Home / Documentry / Daawo Sawiro: Fanaanad caan ah oo qaadatay Diinta Islaamka

Daawo Sawiro: Fanaanad caan ah oo qaadatay Diinta Islaamka

Fanaanad caan ah oo u dhalatay Dalka Ireland ayaa qaadatay diinta Islaamka, waxa ayna fanaanadan badashay magaceedii hore iyadoona hada la baxday magac cusub oo ka turjumaya in ay islaamtay.

Sinéad O’Connor ayaa aheyd fanaanad caan ah oo qaaday heeso badan ay ku jiraan kuwa aad loo yaqaan, waxaana heesaha caanka ah ee qaaday fanaanadan ka mid ah Nothing Compares 2 U iyo heesta kale The Lion and the Cobra.

Fanaanada qaadatay Diinta Islaamka ayaa iska bedeshay magaceedii ay caanka ku aheyd waxa ayna hada la baxday magaca Shuhada, waxa ayna muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in ay soo Islaamtay.

“Shuhada” ayaa fariin ay soo dhigtay barta Twitterka ay ku leedahay ku cadeesay in ay qaadatay diinta Islaamka, waxa ayna dadka Muslimiinta ah ugu mahad celisay taageerada ay u muujiyeen markii ay soo islaamtay.

Previous Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmaya Muqdisho
Next Dowlada Faransiiska oo ka hor timid in Sacuudiga Xayiraad dhinaca hubka la saaro

Check Also

Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartay sharci cusub oo mamnuucaya in loo gefo …