Home / Somali News / Daawo Sawiro: R/W Kheyre oo Kormeeray Saldhig Mareykanka ku tababaraan Kumaandooska Somaliya

Daawo Sawiro: R/W Kheyre oo Kormeeray Saldhig Mareykanka ku tababaraan Kumaandooska Somaliya

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo saldhig u ah ciidamo Mareykan ah oo tababara Kumaandoosaka Somalia.

Xasan Kheyre Kormeerka uu ku tagay Garoonka Balli-Doogle waxaa ku wehliyay Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Cirka , Abaanduulka Ciidanka Milaariga iyo saraakiil kale oo Milatariga katirsan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u kuur galay xaalada ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab , waxa uuna warbixino ka dhageestay Saraakiisha ciidankaasi ee ku sugan Saldhiga Balli-Doogle.

Booqashada Kheyre ku tagay Saldhiga Balli-Doogle ayaa noqoneysa tii labaad uu halkaasi ku tago, waxaana saldhigaasi ku sugan Ciidamo Mareykan ah oo aad u qalabeysan kuwaa oo Kumaandooska Somalia ka taageera dhinaca tababarada iyo Howlgalada.

Previous Dhageyso: Caasho Geelle ”Dadka Reer Sool ma aha la Haystayaal, Jegaanta way iska dhicinayaan”
Next Maxaa sababay in Kim Jong-un uu aad ugu kalsoonaado Janaraal Yong-chol?

Check Also

Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartay sharci cusub oo mamnuucaya in loo gefo …