Home / Somali News / Dhageyso: Dadka ku nool Gobolka Baay oo si Cad u diiday in Al-Shabaab ay siiyaan lacago Zakawaad ah.

Dhageyso: Dadka ku nool Gobolka Baay oo si Cad u diiday in Al-Shabaab ay siiyaan lacago Zakawaad ah.

Mudo ka badan Sanad iyo Bar oo dadka Beeraleyda ku nool deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku jireen abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayaa waxaa hada la gaaray waqtigii dadka Beeraleyda ay bilaabi lahaayeen tacabka Beerahooda,balse waxaa haatan soo baxaya in xiligaan Al-Shabaab ay Beeraleyda ku soo rageen waxa ay ugu yeeraan Zakawaad.

Hadaba dadka ku nool deegaanka Goof-Gduud Buureey ayaa sicad u diiday in ay Al-Shabaab siiyaan lacagta ay ugu magacdareen Zakawaadka iyaga oo ku dhiiraday in ay diidaan bixint lacaghaas.

Dhaayoow Maxamed Isaaq ah Saraakiisha Ciidamada deegaanka Goof-Gaduud Buureey,ayaa Dalsan u sheegay in ay soo gaartay Dacwad ay usoo gudbiyeen Shacabka deegaanka Goof-Gaduud,islamarkaana ay waajib tahay in ay ka qabtaan.

Waxa uu sheegay in ay haatan wadan qorsho ku aadan in laga hortago in Al-Shabaab dadka ay ka qaadaan lacagtaas,islamarkaana xiliyada qaar Habeenkii ay sameeyeen Roondooyin.

Previous Daawo Muuqaal: Wasiir katirsan Xukumadda Kheyre oo Xog badan banaanka keentay.
Next US mulls deploying Patriot missiles to Estonia: Prime minister

Check Also

Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartay sharci cusub oo mamnuucaya in loo gefo …