Home / Somali News / Dhageyso: Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho ka dhacay oo sii kordhay iyo Xaalad qatar ah oo Isbitaalada laga soo sheegayo.

Dhageyso: Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho ka dhacay oo sii kordhay iyo Xaalad qatar ah oo Isbitaalada laga soo sheegayo.

Agaasimaha Isbitaalka Daaru-Shifa ee Magaalada Muqdisho ayaa ka Warbixiyay tirada Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Maanta a dhacay meel u dhaw Saldhiga Booliiska Dagmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabaas ayaa Wwxa uu sheegay in hada dhaawacyada qaarkood ay u baahan yihiin baxnaano aad u wanaagsan isla markaana dhaawacyada qaarkood markii la dabiibay ayaga oo bad qaba ay hooygooda aadin sidoo kalen ay jiraan dhaawacyo qaarkood weli la la yahay eheladooda.

Dhaawacyada maanta Isbitaalka Daaru-shifa la geeyay ayaa waxa ay gaareen 14 Ruux oo uu ku jiro qof isagu geeriyooday inta isbitaalka loo soo waday 5 Ruux ayaa hada iyaga oo Caafimaad qaba Issbitaalka laga saaray.

Previous Dowladda Qatar oo go’aano Cusub ka soo saartay Wadamada Khaliijka.
Next Dhageyso: Cali Dheere oo ku jees jeesay Saraakiisha Amisom, kuna dhawaaqay iney gacanta ku hayaan askar ka tirsan Amisom.

Check Also

Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartay sharci cusub oo mamnuucaya in loo gefo …