Home / Somali News / Hoggaamiyayaasha Jabuuti iyo Itoobiya oo ka wada hadlay arrimaha Geeska Afrika

Hoggaamiyayaasha Jabuuti iyo Itoobiya oo ka wada hadlay arrimaha Geeska Afrika

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa, kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada gaar gaarka ee Madaxda Afrika ay yeelanayaan, ka dib shir madaxeedka Midowga Afrika.

Kulanka labo geesoodka ee Madaxda Jabuuti iyo Itoobiya ayaa looga hadlay arrimaha gobolka iyo isbedeladii u dambeeyay ee ka dhacay.

Dr. Workneh Gebeyehu wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka u sheegay wariyeyaasha in madaxda labada dal Jabuuti iyo Itoobiya ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka.

Labada hogaamiye ayaa bogaadiyay isdhex galka Geeska Afrika, waxayna si wadajir u amaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea.

“Ra’isal Wasaaraha Itooboya ayaa u sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan”, ayuu yiri Workneh.

Jabuuti ayaa qeyb ka aheyn isbaheysiga saddex geesoodka ee ka dhex sameysmay dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, waxaana weli Jabuuti dhowreysa sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu dhex dhexaadinayo iyaga iyo Eritrea.

Previous Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH
Next Daawo: Xildhibaan Beeno Beeno oo Baarlamaanka eedeeyey cadeeyeyna in ay dowlada eed laheyn

Check Also

Kooxda Daacish oo digniin adag u dirtay Xarakada Al-Shabaab

Kooxda Daacish ayaa ka hadashay dilal ay sheegeen in kooxda Al Shabaab gudaha Soomaaliya ugu …