Home / Somali News / Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu horkacayo oo goor dhow dalka ka ambabaxay

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu horkacayo oo goor dhow dalka ka ambabaxay

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka dhoofay Muqdisho, isagoo ku sii jeedda dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa uga qaybgalaya dalka Koonfurta Suudaan munaasabad lagu dhameystirayo heshiiska nabadda ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalkii ugu dambeeyay Afrika.

Xafladda waxaa kalo ka qaybgalaya hogaamiyayaasha Midowga Afrika iyo ururka gobolka ee IGAD, ku waas oo si dhow ula socday xaaladda dalka Koonfurta Suudaan oo dhinacyada siyaasadda isku haya ay dhowr mar ku dagaalameen.

Dowladda Koonfurta Suudaan iyo falaagada ayaa kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah oo lagu doonaya in xabad joojin waarta laga dhaqan geliyo dalkaasi horaantii bishii Luulyo ee sanadka 2018-ka. Heshiiska ay wada gaareen madaxaweynaha Koonfurta Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa dhigayay in xabad joojin lagu talaabsado.

Heshiiskan wuxuu ka qayb yahay dadaalka ay wadaan hoggaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika oo ay ku doonayaan in xabad joojin laga hergeliyo dalka Koonfurta Suudaan.

Previous Jubaland oo digniin siisay Musharaxiinta doorashada Madaxweynaha
Next Michael Keating Ergeygii hore ee QM u qaabilsanaa arrimaha Somaliya oo xil cusub loo magacaabay

Check Also

Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartay sharci cusub oo mamnuucaya in loo gefo …