Home / Somali News / Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Baarlamaanka

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay uu khilaaf ka dhex taagnaa.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Guddoonka sidii loo hakin lahaa Khilaafka xoogan ee ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka Madaxweynaha uu qaatay Guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa joogay Guddoonka Aqalka Sare.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay muhiim tahay in xaaladda la dejiyo, islamarkaana Sharciga iyo kala dambeynta la ilaaliyo.

Waxaa sidoo kale uu guud ahaan hakiyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo cabsi badan laga qabay.

Previous Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed “Xaaladdii Dalka uu soo maray yaanan dib loogu celin”
Next Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq iyo talooyin u jeediyay Madaxda dowladda !!!

Check Also

Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartay sharci cusub oo mamnuucaya in loo gefo …