Home / Somali News / Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq iyo talooyin u jeediyay Madaxda dowladda !!!

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq iyo talooyin u jeediyay Madaxda dowladda !!!

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah ka soo saaray xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta, xilli uu sii xoogeystay Khilaafka Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ayuu ugu baaqay Madaxda dalka in xalka laga doono dastuurka, loona tanaasulo danta Dalka.

Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka.

Ma aha markii ugu horeysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama wasiirka kowaad ee xukuumadda.

Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladaad horay loo soo maray. Labada cashar waxay kala yihiin:

Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY, DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhamaan jirtay kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo.
Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida.

Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hogaanka dalka, lax jeclo badane ka hayso deganaantiisa waxaan soo jeedinayaa:

In la muujiyo dulqaad iyo tanaasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursadaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH.

Haddii ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo ee waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanuu taagneyn.

Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibato laga baaji karo.

Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas’uuliyadii loo dhaartay ee hala qaato xikmadda ah
RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN.

Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga hala qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo !!!

Previous Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Baarlamaanka
Next Dhageyso: Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil “Jawaari Qodobo Ka mid ah Dastuurka ayuu Jabiyay”

Check Also

Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartay sharci cusub oo mamnuucaya in loo gefo …