Home / Somali News / Maxaa sababay in Kim Jong-un uu aad ugu kalsoonaado Janaraal Yong-chol?

Maxaa sababay in Kim Jong-un uu aad ugu kalsoonaado Janaraal Yong-chol?

Janaraalka u dhashay Kuuriyada Waqooyi ee lagu magacaabo Janaraal Kim Yong-chol ayaa gaaray dalka Mareykanka isaga oo horey u soo maray magaalada Beijing.

U jeedada ugu wayn ee safarkiisa ayaa ah sidii waddada loogu xaari lahaa kulanka lagu wado in bisha June uu ku dhex maro Singapore madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Mr Kim.

Booqashada Janaraalkan ee Mareykanka ayaa ah hormar kale oo laga gaaray dublamaasiyadda Kuuriya.

Janaraal Kim Yong-chol ayaa lagu tilmaamay in uu yahay nin gacanta midig u ah hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Waxaa horey looga mamnuucay Mareykanka oo waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ay cunaqabataynta ku soo rogtay Washinton.

Balse waxa uu Janaraalkani barbar taagnaa hogaamiyihiisa dhammaan kulamadii muhimka ahaa ee dhawaan la qabtay.

Xilligii uu Janaraal Kim ahaa madaxa sirdoonka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii lagu qaaday maraakiibtii dagaalka ee kuuriyada Waqooyi ee kala ahaa Cheonan iyo Yeonpyeong sanaddii 2010.

Waxaa sidoo kale lala xiriiriyay weerarkii dhanka internetka ee lagu qaaday shirkadda Sony Pictures sanaddii 2014.

Janaraal Kim Yong-chol waxaa uu sidoo kale hogaaminayay ergadii Kuuriyada Waqooyi ee 2018 ka qayb galay markii la soo gabagabaynayay ciyaarihii Olambikada ee lagu qabtay magaalada Pyeongchang ee kuuriyada Waqooyi.

Waa kumaa Janaraal Kim?

Janaraal Kim Yong-chol, oo 72 jir ah,ayaa waxa uu soo ifbaxay doorkiisa firfircoon ee dublamaasiyadda horraantii sanadkan 2018.

Inkastoo magaciisa hore ay wadaagaan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi hadana wax xiriir dhanka qoys ah lama laha hogaamiyaha saree e dalkaasi.

Waxa uu barbar taagnaa oo kala qayb galay Kim Jong-un dhammaan kulamadii uu sanadkan la yeeshay madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping.

Waxa uu dhanka midig ka fadhiyay kulankii ugu horreeyay ee Kim Jong-un la yeeshay madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in bishii April.

Janaraalkan ayaa sidoo kale ahaa ninkii soo dhawaynayay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo booqashooyiinkii uu dhawaan ku tagay Pyongyang, waxaana booqashadiisa imika ee Mareykanka loo malaynayaa in ay jawaab u tahay tii Mr Pompeo.

Madaxii hore ee sirdoonka Kuuriyada Waqooyi ayaa jagadii rasmiga ah ee maanta waxa ay tahay gudoomiya ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga shaqaalaha Kuuriya.

Balse waxa sidoo kale loo dalacsiiyay sargaalka Pyongyang u qaabilsan wadaxaajoodyada militari intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2008.

Intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2016 waxa uu ka soo shaqeeyay oo soo qabtay xilka agaasimaha dhanka baaritaanada gaar ahaan dhanka weerarada internetka iyo soo uruurinta wararka sirdoonka ee dibadda.

Sanaddii 2016, waxa uu la wareegay laanta sirdoonka rayidka oo ah hay’ad la shaqaysa kooxaha taageersan Kuuriyada Waqooyi ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed.

Shaqsi muran badan dhaliyay

Janaraal Kim dib u so ifbixiisa ayaa markii hore waxaa ka xumaaday Kuuriyada Koonfureed oo iyadu ku eedeeysay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay quusintii la quusiyay markabkii corvette Cheonan 2010.

Kuuriyada Waqooyi ayaa beenisay in ay ku lug lahayd burburinta markabkaasi oo ay ku dhinteen 46 ah badmaaxiinta Kuuriyada Koonfureed.

Waxaa sidoo kale Janaraal Kim lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa weerarkii dhanka internetka ee 2014 lagu qaaday shirkadda Sony taasi oo jawaab u ahayd filim majaajila ahaa oo aad loogu aflagaadeeyay Kim Jong-un.

Ku lug lahaanshiyaha Janaraal Kim ee dhacdooyiinkani ayaa sababay dibadbaxyo ka dib markii ay soo ifbaxday in uu booqanayo Kuuriyada Koonfureed xilligii ciyaarihii Olambikada.

xigasho: bbc

Previous Daawo Sawiro: R/W Kheyre oo Kormeeray Saldhig Mareykanka ku tababaraan Kumaandooska Somaliya
Next Ma dhab baa in Madaxweyne Kenyatta uu ku jeesjeesay ku xigeenkiisa?

Check Also

Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartay sharci cusub oo mamnuucaya in loo gefo …