Home / Somali News / Sirdoonka Mareykanka oo sheegay in Amir Maxamed Bin Salmaan uu ka danbeeyay dilkii Jamaal Khashoggi

Sirdoonka Mareykanka oo sheegay in Amir Maxamed Bin Salmaan uu ka danbeeyay dilkii Jamaal Khashoggi

Hay’adda Sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA da ayaa sheegtay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu ka danbeeyay dilkii Wariye Jamaal Khashoggi oo 2-dii bishii October ee sanadkan lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay dalka Turkiga magaalada Istanbul.

CIA ayaa si toos ah u sheegtay in Amir Maxamed Bin Salmaan uu bixiyay amarka lagu qaarijiyay wariye Jamal, hadalkaasi oo noqonayaao mid kasoo horjeeda sheegashada Dowladda Sacuudiga ay sheegatay in Amiirka iyo gebi ahaan Dowladda Boqortooyada Sacuudiga uusan wax lug ah aysan ku laheyn dilka Wariyaha.

Warka ka soo baxay hay’adda CIA da ayaa sidoo kale lagu sheegay in dilkan ay fuliyeen 15 Nin oo markii danbe ka raacay magaalada Istanbul diyaarad ay leedahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo warkan uu meesha ka saarayo hadalkii uu soo saaray ku-xigeeenka xeer ilaaliyaha dalka Sacuudi Arabia oo dilka Khashoggi ka fogeeyay Amiir Suldaan.

Saraakiil u hadlay CIA ayaa sheegay in natiijada baaritaankooda ay u gudbin doonaan Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi si tilaabada ku habooon ay kaga qaadaan dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Previous Kooxda Daacish oo digniin adag u dirtay Xarakada Al-Shabaab
Next Egypt Sentences 6 over Tanta Terror Cell Links

Check Also

Kooxda Daacish oo digniin adag u dirtay Xarakada Al-Shabaab

Kooxda Daacish ayaa ka hadashay dilal ay sheegeen in kooxda Al Shabaab gudaha Soomaaliya ugu …