Home / Somali News / Wasiirkii Difaaca Isra’il oo is casilay hashiiskii lala galay Hamas darteed

Wasiirkii Difaaca Isra’il oo is casilay hashiiskii lala galay Hamas darteed

Maalmihii la soo dhaafay marinka Gaza iyo dhulka Yahuuda xooga uga heesato Falastiin waxaa ka socday isku dhacyo iyo duqeymo ay is dhaafsanayeen Ururka Xamaas iyo Ciidamada Maamulka Isra’il.

Heshiis Xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo colaada soo cusboonaatay ayey aqbaleen Ururka Xamaas iyo Maamulka Isra’il, waxaana heshiiskan uu yahay mid looga hortagayo in xaalka uu faraha ka sii baxo.

Wasiirka difaaca ee Israa’iil Avigdor Lieberman ayaa iska casilay xilkii uu hayay, waxa uuna Wasiirka ka carooday heshiiska xabad joojinta ee Isra’il la gaartay Ururka Xamaas ee u dagaalama xureynta dhulka Falastiin.

Avigdor Lieberman ayaa xabad jooojinta lala galay Ururka Xamaas ku tilmaamay in la isku dhiibay argagixisada, waxa uuna ku hanjabay Wasiirka is casilay in xisbigiisa uu ka bixi doono dowlada.

Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa israa’il iyo Ururka Xamaas is weedaarsanayeen duqeymo kala duwan, waxaana duqeymaha iyo hubka culus ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Previous Daawo Sawiro: Dowlada Somaliya iyo Hay’adda DFID oo kala saxiixday heshiis horumarinta waxbarashada gabdhaha
Next Dhageyso: Nabaddoon lagu Xiray Balad-xaawo

Check Also

Maxkamada Yurub oo sharci ka soo saartay in loo gefo nebi Muxamed NNKH

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartay sharci cusub oo mamnuucaya in loo gefo …